CUTUBKA 4: MATALAADDA SHACABKA
(CHAPTER 4: REPRESENTATION OF THE PEOPLE)
Somali (Original)
Qodobka 52aad: Dowrka Xisbiyada Siyaasadeed
(1) Xisbiyada siyaasadeed waxay, si nabadgelyo iyo dimuqaraadi ah, ugu tartamayaan hoggaanka siyaasadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
(2) Xisbiyada siyaasadeed, ha ahaadeen kuwa xukunka haya ama kuwa mucaaradka ah, waxay ka midyihiin tiirarka nolosha siyaasadda iyo dimuqraadiyadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
English
No translation available yet in English.
Plain-Language Explanation
Somali
Xisbiyada siyaasadeed ee Soomaaliya waxay si nabad ah oo dimuqraadi ah ugu tartamayaan hoggaanka dalka. Xisbiyada talada haya iyo kuwa mucaaradka ahba waxay door muhiim ah ku leeyihiin siyaasadda iyo dimuqraadiyadda, iyagoo shacabka siinaya fursado kala duwan oo ay ku doortaan cidda hoggaaminaysa dalka.
English
Not available.
Questions & Comments (1)
Question
Mahad
· 1 month agoxisbi soo xulaya la dhahay madaxweynaha musharaxnimadiisa sax miya warkaas