Qodobka 195aad: Aftida
(1) Dastuurka kamadambaysta ah waxaa lagu ansixinayaa afti dadweyne, waana in dhammaan muwaaddiinta u diiwaangashan codbixiye ay fursad u helaan dhiibashada aragtidooda si xor ah, toos ah, qarsoodi ah si waafaqsan xeer Baarlamaanka Federaalka uu ansixiyo kaasoo qeexaya habraaca aftida.
(2) Afti waxaa la qabanayaa marka la xaqiijiyo in shuruudahan soo socda la buuxiyey: (a) In maamul dawladeed oo shaqaynaya uu ka jiro dalka oo idil; (b) In la dhammaystiray diiwaanka codbixiyeyaasha qaranka isla markaana la hubiyey; iyo (c) In Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha uu si buuxda u hawlgalayo.
(3) Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa qiimaynaya heerka diyaargarowga, wuxuuna warbixin u gudbinayaa Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
(4) Maxkamadda Dastuurka waxay dib-u-eegi kartaa isla markaana xaqiijin kartaa go’aanka ku saabsan diyaargarowga.
(5) Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa go’aaminaya taariikhda aftida muddo lixdan
(60) maalmood gudahood ah laga billaabo marka la xaqiijiyo diyaargarowga.
(6) Dastuurka kamadambaysta ah waxa uu ansaxayaa haddii ay u codeeyaan aqlabiyadda codadka saxda ah oo idil.
(7) Waxaa reebban in afti dadweyne loo qaado wax-kabeddelka Dastuurka inta laga sugayo midnimada dhuleed iyo midda dadeed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
No translation available yet in English.
Plain-Language Explanation
Not available.