CUTUBKA 14: DIFAACA IYO AMNIGA QARANKA
(CHAPTER 14: NATIONAL DEFENCE AND SECURITY)
Somali (Original)
Qodobka 179aad: Hay’adaha Amniga iyo Difaaca
(1) Hay’adaha amniga iyo difaaca waa kuwa soo socda: (a) Ciidanka Xoogga Dalka; (b) Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka; (c) Ciidanka Booliiska; iyo (d) Ciidanka Asluubta.
(2) Hay’ad amni aan aheyn afarta hay’adood ee ku cad faqradda koowaad ee qodobkan waxaa lagu dhisi karaa oo keliya xeer uu ansixiyo Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
English
No translation available yet in English.
Plain-Language Explanation
Somali
Hay’adaha amniga iyo difaaca qaranka waa afar hay’adood: Ciidanka Xoogga Dalka, Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka, Ciidanka Booliiska iyo Ciidanka Asluubta. Hay’ad kale oo amni oo aan ka mid ahayn afartan hay’adood waxaa la dhisi karaa oo keliya marka uu Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ansixiyo sharci lagu dhisayo.
English
Not available.