Dastuurka JFS
Home Blog Authors
CUTUBKA 13: NIDAAMKA MAALIYADDA GUUD
(CHAPTER 13: FISCAL FEDERALISM)
Somali (Original)

Qodobka 177aad: Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Jamhuuriyadda Ferederaalka Soomaaliya

(1) Hantidhowrka Guud waa hay’ad leh madaxbannaani maamul iyo maaliyadeed, lehna shakhsiyad qaanuuneed, una hoggaansameysa keliya Dastuurka iyo xeerarka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

(2) Xafiiska Hantidhowrka Guud waa hay'adda ugu sarreysa hantidhowrka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

(3) Hantidhowrka Guud wuxuu baaraa, kana warbixiyaa hantida qaranka, xisaabaadka, qoraallada iyo maareeynta maaliyadeed ee la xiriira: (a) Hay’adaha Dawladda Federaalka; iyo (b) Hay’ad kasta oo kale ee hesha maaliyad heer federaal ah.

(4) Hantidhowraha Guud ee Jamhuuriyadda waa in uu noqdaa qof leh sumcad wanaagsan, haysta shahaado jaamacadeed ee heerka labaad oo la xiriirta maaliyadda, xisaabaadka ama sharciga, lehna khibrad ugu yaraan toban

(10) sano hawlaha hantidhowrka, buuxiyana shuruudaha kale ee ku xusan xeerarka Dawladda Federaalka Soomaaliya.

(5) Hantidhowraha Guud waxaa magacaabistiisa soojeedinaya golaha wasiirrada, waxaana aqlabiyad boqolkiiba konton iyo hal dheeri (50%+1) ah tirada xubnaha goobjoogga ah ku ansixinaya labada gole ee Baarlamaanka Federaalka, kaddibna Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku meelmarinaya xeer madaxweyne.

(6) Hantidhowraha Guud ayaa xilka haynaya hal xilli oo shan

(5) sano ah oo hal mar la cusbooneysiin karo.

(7) Hantidhowraha Guud waxaa xilka looga qaadi karaa habraac la mid ah kan lagu soo magacaabay.

(8) Warbixinnada hantidhowrka ee ku abbaaran Dawladda Federaalka waxaa loo gudbinayaa Baarlamaanka Federaalka, halka golaha wakiillada ee dawlad goboleedka loo gudbinayo warbixinnada khuseeya.

(9) Xafiiska Hantidhowrka Guud wuxuu la shaqeynayaa hantidhowreyaasha madaxabannaan ee heer dawlad goboleed si loo xaqiijiyo iskuxirnaanta nidaamka kormeerka maaliyadeed ee dalka.

(10) Warbixinnada Hantidhowrka Guud waa in ay noqdaan kuwo daahfuran oo la heli karo, waxaana si buuxda loogu soo bandhigayaa Baarlamaanka Federaalka, golaha wakiillada dawlad goboleedyada iyo shacabka Soomaaliyeed.

(11) Warbixinta Hantidhowraha waa in Baarlamaanka Federaalku ku ansixiyaa ama ku diidaa muddo saddex

(3) bilood gudahood ah.

(12) Dawlad goboleed kasta wuxuu yeelanayaa hantidhowre guud, iyadoo la mideynayo habraacyada iyo heerarka kormeerka.

(13) Xeer uu ansixiyo Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa nidaaminaya qaabdhismeedka iyo waajibaadka xafiiska hantidhowrka guud.

English

No translation available yet in English.

Plain-Language Explanation

Somali
Hantidhowrka Guud waa hay’ad madaxabannaan oo dhinaca maamulka iyo maaliyadda ah, lehna shakhsiyad sharciyeed, kuna shaqaysa Dastuurka iyo sharciyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Xafiiska Hantidhowrka Guud waa hay’adda ugu sarreysa ee dalka u qaabilsan hantidhowrka. Wuxuu baaraa hantida qaranka, xisaabaadka, diiwaannada iyo maamulka maaliyadeed ee hay’adaha Dowladda Federaalka iyo hay’ad kasta oo kale oo hesha lacag ka timaadda heer federaal. Qofka loo magacaabayo Hantidhowraha Guud waa inuu leeyahay sumcad wanaagsan, shahaado jaamacadeed oo heerka labaad ah oo la xiriirta maaliyadda, xisaabaadka ama sharciga, iyo ugu yaraan toban sano oo khibrad ah oo dhinaca hantidhowrka ah, sidoo kalena buuxiyaa shuruudaha kale ee sharcigu dhigayo. Golaha Wasiirrada ayaa soo jeedinaya magacaabistiisa, labada gole ee Baarlamaanka Federaalka ayaana ku ansixinaya cod aqlabiyad ah oo ah 50%+1 xubnaha goobjoogga ah. Kadib, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku magacaabaya xeer madaxweyne. Hantidhowraha Guud wuxuu xilka haynayaa muddo shan sano ah, taas oo hal mar oo keliya loo cusboonaysiin karo, waxaana xilka looga qaadi karaa isla habraacii lagu soo magacaabay. Warbixinnada hantidhowrka ee khuseeya Dowladda Federaalka waxaa loo gudbinayaa Baarlamaanka Federaalka, halka kuwa khuseeya dowlad-goboleedkana loo gudbinayo golaha wakiillada ee dowlad-goboleedkaas. Xafiiska Hantidhowrka Guud wuxuu la shaqaynayaa hantidhowreyaasha madaxabannaan ee dowlad-goboleedyada si loo mideeyo loona isku xiro nidaamka kormeerka maaliyadeed ee dalka. Warbixinnada hantidhowrku waa inay noqdaan kuwo daahfuran oo ay heli karaan Baarlamaanka Federaalka, golayaasha wakiillada dowlad-goboleedyada iyo shacabka Soomaaliyeed. Baarlamaanka Federaalka waa inuu warbixinta Hantidhowraha ku ansixiyaa ama ku diidaa muddo saddex bilood gudahood ah. Dowlad-goboleed kastana wuxuu yeelanayaa Hantidhowre Guud, iyadoo la mideynayo habraacyada iyo heerarka kormeerka. Qaabdhismeedka iyo waajibaadka Xafiiska Hantidhowrka Guud waxaa lagu qeexayaa sharci uu ansixiyo Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
English

Not available.

Questions & Comments (0)