Dastuurka JFS
Home Blog Authors
CUTUBKA 9: GARSOORKA JAMHUURIYADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA
(CHAPTER 9: THE JUDICIARY OF THE FEDERAL REPUBLIC OF SOMALIA)
Somali (Original)

Qodobka 138aad: Xilwaayidda Garsooraha

(1) Garsooruhu waxa uu xilkiisa ku waayi karaa sababaha soo socda oo kellya: (a) Geeri; (b) Gaarista da'da hawlgabka ee waajibka ah; (c) Xilgudusho la'aan joogta ah sababo la xiriira mid jireed ama maskaxeed oo uu caddeeyay dhakhtar takhasus u leh oo la aqoonsanyahay; (d) Aqbalidda xil kale oo dawladeed; (e) Istiqaalo qoraal ah uu u gudbiyo Golaha Sare ee Garsoorka; (f) Fal anshaxmarin uu go'aamiyo Golaha Sare ee Garsoorka si waafaqsan Dastuurka iyo xeerarka dalka; ama (g) Arrin kasta oo kale oo ku xusan Dastuurka ama xeerarka kale ee Jamhuuriyadda.

(2) Xilkaqaadista garsooruhu waxa ay ka billaaban kartaa Golaha Sare ee Garsoorka ama cabasho qof kale u soo gudbiyey golaha.

(3) Cabashada ka dhanka ah garsooraha oo loo gudbinayo Golaha Sare ee Garsoorka, waa in qaab qoraal ah lagu soo gudbiyaa, laguna caddeeyaa saldhigga xeer iyo xaqiiqda cabashada.

(4) Qiimeyn kaddib, haddii Golaha Sare Garsoorku ku qanco in asbaabta cabashadu keeni karto xilkaqaadis, waxaa la raacayaa habraaca soo socda: (a) Haddii cabashadu khuseyso Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ama Guddoomiyaha Maxkamadda Dastuurka waa in: i. Goluhu ku oggolaadaa kuna ansixiyaa cabashada aqlabiyad saddex meelood labo meel (2/3) tirada xubnaha golaha; ii. Goluhuna u gudbiyaa cabashada ivo go'aankooda Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare muddo shan iyo toban

(15) maalmood gudahood ah; iyo iii. Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya wuxuu xilka uga qaadi karaa Guddoomiyaha Maxkamadda Sare iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Dastuurka codayn qarsoodi ah oo aqlabiyad boqolkiiba konton iyo hal dheeri (50%+1) tirada guud ee xubnaha gole walba. (b) Haddii cabashadu la xiriirto garsoore aan ahayn guddoomiyeyaasha lagu sheegay xarafka (a) faqradda 4aad ee qodobkan, Golaha Sare ee Garsoorka wuxuu qaadayaa tallaabooyinkan: i. Shaqada ka joojinayaa garsooraha; lyo ii. Magacaabayaa guddi ka kooban afar

(4) garsoore oo darajada maxkamad rafcaan ugu hoosayso, hal qareen oo leh khibrad aan 10 sano ka yarayn iyo labo xubnood oo aqoon durugsan u leh arrimaha maamulka, bulshada dhexdeedana sumcad fiican ku leh.

(5) Garsooraha shaqada laga joojiyey wuxuu helayaa xuquuqda uu xaqa u lahaa ilaa inta go'aan kamadamabays ah laga gaarayo.

(6) Guddigu waa in uu sida ugu dhakhso badan uguna macquulsan go'aan uga gaaraa, iyagoo raacayaa habraac ay dejisteen iyo xeerarka arrinkan khuseeya.

(7) Goluhu wuxuu ku go'aan qaadanayaa talada guddiga ama baarlamaanka isla markaana fulinayaa.

(8) Garsooraha go'aanka guddigu saameeyey wuxu muddo 15 maalmood gudahood ah cabasho u qaadan karaa Maxkamadda Sare ee Dalka.

(9) Haddii garsoorahu aanu rafcaan qaadan, go'aanka guddigu wuxu dhaqangalayaa marka muddada rafcaanka dhammaato. Haddii uu rafcaan qaato, go'aanka ugu dambeeya waxaa soo saaraya xukunka Maxkamadda Sare.

English

No translation available yet in English.

Plain-Language Explanation

Somali
Garsoore xilka waxaa looga qaadi karaa oo keliya sababo sharci ah, sida geeri, gaarista da’da hawlgabka khasabka ah, awood la’aan joogto ah oo caafimaad oo shaqada u diidaysa, qaadashada xil kale oo dowladeed, istiqaalad qoraal ah, anshax-xumo ama sababo kale oo Dastuurka iyo shuruucdu oggol yihiin. Habka xilkaqaadistu wuxuu ka bilaaban karaa Golaha Sare ee Garsoorka ama cabasho qoraal ah oo qof kale u gudbiyo, taas oo ay tahay inay caddayso sababaha sharci iyo xaqiiqooyinka cabashada taageeraya. Haddii cabashadu khusayso Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ama Guddoomiyaha Maxkamadda Dastuurka, Golaha Sare ee Garsoorku waa inuu ku ansixiyaa aqlabiyad saddex-meelood laba (2/3), dabadeedna u gudbiyaa guddoomiyeyaasha labada gole ee Baarlamaanka muddo 15 maalmood gudahood ah. Baarlamaankuna wuxuu xilka uga qaadi karaa cod qarsoodi ah, iyadoo gole kasta looga baahan yahay aqlabiyad ah 50%+1 tirada guud ee xubnihiisa. Haddii cabashadu khusayso garsoore kale, Golaha Sare ee Garsoorku wuxuu garsooraha shaqada ka joojinayaa, wuxuuna magacaabayaa guddi ka kooban afar garsoore, hal qareen oo leh ugu yaraan 10 sano oo waayo-aragnimo ah iyo laba qof oo aqoon u leh maamulka, sumcad fiicanna ku leh bulshada. Garsooraha shaqada laga joojiyey wuxuu sii helayaa xuquuqdiisa ilaa go’aan kama dambays ah laga gaarayo. Guddigu waa inuu arrinta si degdeg ah u baaro oo go’aan uga gaaro, isagoo raacaya habraacyada iyo shuruucda khuseeya. Golaha Sare ee Garsoorku wuxuu go’aan ka gaarayaa arrinta isagoo tixgelinaya talada guddiga ama go’aanka Baarlamaanka, wuxuuna fulinayaa go’aankaas. Garsooraha go’aanku khuseeyo wuxuu xaq u leeyahay inuu 15 maalmood gudahood rafcaan uga qaato Maxkamadda Sare. Haddii aanu rafcaan qaadan muddadaas, go’aanku wuu dhaqan gelayaa; haddii uu rafcaan qaato, Maxkamadda Sare ayaa soo saaraysa go’aanka kama dambaysta ah.
English

Not available.

Questions & Comments (3)

Question

Maxamed cabdulaahi siidoow

· 1 day ago

Mahadsanidiin jawaabta iyo faahfaahinta aad bixiseen. Si kastaba ha ahaatee, waxaan jeclaan lahaa inaan helo caddayn sharciyeed oo toos ah oo ku saabsan arrintan. Waxaad soo xigateen Doctrine of Necessity, balse waxaan rabaa inaan ogaado: 1. Qodobkee dastuurka ama sharciga Soomaaliya ayaa aqoonsanaya mabda'aas, isla markaana u oggolaanaya Madaxweynaha inuu ku saleeyo xil-ka-qaadista Guddoomiyaha Maxkamadda Sare? 2. Haddii Golaha Adeegga Garsoorku uusan jirin ama uusan shaqaynayn, xaggee ayuu dastuurku ku sheegayaa in awoodihiisa ay si toos ah ugu wareegayaan Madaxweynaha? 3. Ma jiraa go'aan maxkamadeed oo Soomaaliya laga gaaray oo xaqiijinaya in tallaabo noocaas ahi sharci tahay? 4. Haddii tallaabooyinkii 2016 iyo 2018 loo cuskanayo tusaale hore, maxaa ka dhigaya inay yihiin tallaabooyin sharci ah, halkii ay ka ahaan lahaayeen ficillo siyaasadeed oo hore loo sameeyey? Waxaan mar kale adkaynayaa in ujeeddadaydu aysan ahayn inaan diido baahida loo qabo sii socoshada shaqada hay'adaha dowladda, balse aan kala saarno baahida maamul iyo awood sharciyeed. Mabda'a baahida daruuriga ahi ma noqon karo awood aan xad lahayn oo lagu dhaafo habraacyada dastuuriga ah. Sidaas darteed, waxaan jeclaan lahaa jawaab ku dhisan qodobo dastuuri ah, xeerar iyo go'aanno maxkamadeed oo la tixraaci karo, halkii laga bixin lahaa mabda' guud oo aan weli caddayn sida uu kiiskan ugu dabaqmayo. Mahadsanidiin.

Question

Maxamed

· 1 week ago

Mahadsanidiin jawaabta. Waxaan rabaa inaan caddeeyo hal arrin: Haddii Golaha Adeegga Garsoorka uusan si rasmi ah u dhisnayn, qodobkee dastuurka ama sharciga ah ayaa awood u siinaya Madaxweynaha inuu kaligiis xilka ka qaado Guddoomiyaha Maxkamadda Sare? Maqnaanshaha hay'ad dastuuri ah ma la micno yahay in awooddeedii si toos ah ugu wareegayso Madaxweynaha? Sidoo kale, haddii tallaabooyinkii 2016 iyo 2018 ay ahaayeen kuwo sharci ahaan la aqbalay, ma jirtaa go'aan maxkamadeed ama xeer cad oo xaqiijinaya sharciyaddooda? Waxaan aaminsanahay in aan kala saarno awoodda Madaxweynaha, habraaca dastuuriga ah iyo ficilladii hore ee madaxda dalka. Sababtoo ah ficil hore loo sameeyey keligiis ma noqonayo daliil sharciyeed. Waxaan jeclaan lahaa in arrintan lagu caddeeyo qodobbo sharci oo toos ah.

Question

Maxamed

· 2 weeks ago

Waa maxey sawbta looga qaaday xilka gudoomiyaha teedakale dastuurka ama sharciga ma daxweynaha awood uma laha inuu xilka qaadee soo intuu ka qaado uu mid kale is dhaqso ugu doorankaraa aydoo habraaca sharciga lamarin